Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Xasan Sheekh oo maanta furayo kalfadhiga 3-aad ee baarlamaanka Soomaaliya

May. 29 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta si rasmi ah u furo kalfadhigaa 3-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo si isku mid ah madaxweynaha uu u furi doono labada aqal ee baarlamaanka oo mudooyinkan fasax dheeraaday isaga maqnaa.

Furitaanka kalfadhigan 3-aad waxaa sidoo kale la filayaa iney goobjoog ka noqdaan madaxda maamulada Jubaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed oo maalmahan caasimada u joogay shirkii golaha wadatashiga qaran ee habeen kahor lagu soo gaba-gabeeyay aqalka madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan oo la filayo inuu hadal u badan dardaaran u jeediyo mudanayaasha labada aqal ayaa la filayaa inuu dhinaca kale isdul taago heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho ku kalasaxixideen madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa federaalka, heshiiskaas oo dadka qaar ay u fasireen dhaqan galkiisa iney ka dhigan tahay in shaqadii baarlamaanka la leexsaday.

Gudoomiyayaasha labada aqal eebaarlamaanka iyo kxuigeenadooda ayaa sidoo kale dhinac fadhin doona madaxweynaha, iyadoo fadhiga maanta ay goobjoog ka noqon doonaan marti sharaf kala duwan.