Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Axmed Madoobe oo dowladda Mareykanka kala hadlay shirkii golaha wadatashiga qaran

May. 31 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa kulan la qaatay Safiir kuxigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arimaha amniga, Siyaasada iyo go’aanka madasha wadatashiga ee awooda dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed dalkuna uu ku aadayo Doorashooyin dadweyne.

Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale Tim Trenkle kala hadlay howlaha maamulkiisa iyo diyaar garowga ay ugu jiraan sidii Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ka heystaan maamulkiisa, Mareykanka ayuu u diray dalab ah iney kala shaqeeyaan bilaabida gulufkan.

Si kastaba, Jubaland ayaa ah maamulka kaliya ee Shabaab ka heystaan gobol dhan waana gobolka Jubbada Dhexe oo ay kooxda amiiradooda iyo ajaanibta u joogta ay saldhigyada ku leeyihiin.